Roobabkii Guga oo Ka da’ay Magaaladda Muqdisho iyo Gobolada Ku xeeran.
Xalay xiligii saqbarka ilaa iyo saakay waxaa Magaalada Muqdisho iyo gobolada ku xeeran ka da’yay roobab ay dadka iyo doonyada ku diirsadeen iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay aad u kululeyd cimilada xili lagu jiro bil barakeysan ee Ramadaan. Roobabkan ayaa ah Roobabka Go’ga oo horay uga curtay gobolada dalkeena Soomaaliya kuwaas oo meelaha qaar ka geystay fatahaado kadib markii daadad ka dhashay hogasha hoortay ee Roobabka Go, ay ku rogmadeen deeganada ku ag yaala Jiinka Wabbiyada Shabbeelle iyo Jubba. Roobabka Go’ ayaa sanadkan si wanaagsan waxay hogashiisa uga hoortay Soomaaliya taas oo suurtagalisay iny Beeraha aarimaan oo ay Beeraleydu ku tiirsan Xareeda ay beertan dalagyo kala duban . Waxaana sidoo kale Roobabkan ku diirsaday Xoolo dhaqatada Ariga,Geela iyo Lo,da maadaama dhulka uu barwaaqooway cowska iyo geedaha ay xoolaha daaqaana uu yahay mid aad u cagaaran oo indhaha lagu doogsan karo. Roobabkii xalay ilaa iyo saaka oo si xiriir ah uga da’ayay Magaalada Muqdi...