5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla
Sida aan ku aragnay aflaamta daraamaha ah ee ajanibiga ah, fikradda jacaylka dhabta ah waxey u muujiyaan in reer galbeedka un laga yaqaanno oo bariga kale dadka ku dhaqan aaney garaneyn macnaha kala duwan ee jacaylka waxa uu yahay, sida dhabta ah jacaylka taariikhda carabta iyo dad yowga kale ee dunidaba waxa uu ku leeyahay raad muuqda oo dadka dunida oo dhan ay ka wada siman yihiin iyo sheekooyin u gaar ah. Carabtii hore marka ay wax caashaqaan dareenkooda waxey ku muujin jireen gabayga, arrintay waxey kala mid yihiin dhaqanka Soomaalida oo aan arrintaa ka yara fogeyn, maadama abwaanka Soomaaliyeed marka uu caashaq ku dhaco ama uu arko qof la dhibaatoonaya uu dareenkiisa ku cabiro macnaha jacaylka dhabta ah ee aad ka dhadhansan karto miraha suugaanta uu xilligaa tiriyo. Hadab, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa 5 sheeko ee ugu caansan ee carabtu ay dhaqan ahaan u leeyihiin oo markii la soo hadal qaado laga dheehan karo dareenka jacaylka dhabta ah: 1- Cantara iyo Cabla S...