5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla

Sida aan ku aragnay aflaamta daraamaha ah ee ajanibiga ah, fikradda jacaylka dhabta ah waxey u muujiyaan in reer galbeedka un laga yaqaanno oo bariga kale dadka ku dhaqan aaney garaneyn macnaha kala duwan ee jacaylka waxa uu yahay, sida dhabta ah jacaylka  taariikhda carabta iyo dad yowga kale ee dunidaba waxa uu ku leeyahay raad muuqda oo dadka dunida oo dhan ay ka wada siman yihiin iyo sheekooyin u gaar ah.
Carabtii hore marka ay wax caashaqaan dareenkooda waxey ku muujin jireen gabayga, arrintay waxey kala mid yihiin dhaqanka Soomaalida oo aan arrintaa ka yara fogeyn, maadama abwaanka Soomaaliyeed marka uu caashaq ku dhaco ama uu arko qof la dhibaatoonaya uu dareenkiisa ku cabiro macnaha jacaylka dhabta ah ee aad ka dhadhansan karto miraha suugaanta uu xilligaa tiriyo.
Hadab, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa 5 sheeko ee ugu caansan ee carabtu ay dhaqan ahaan u leeyihiin oo markii la soo hadal qaado laga dheehan karo dareenka jacaylka dhabta ah:
1- Cantara iyo Cabla
Sheekooyinka caanka ah waxaa ka mid ah tan jacaylkii Cantara binu Shidaad iyo inaadeertii Cabla oo sidii uu ku heli lahaa dhibaatooyin badan u galay, Cantar jacaylkiisa waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu ku cabirayo dareenkiisa jacayl ee uu Cabla u hayo iyo dunida oo dhan cid uu ku doorsanayaa inaaney jirin.
2- Jamiil iyo Buthayna
Jamiil waxa uu noolaa xilligii reer banii Ummaya ay maamulayeen boqortooyada Islaamka, waxa uu jeclaaday Buthayna oo qoyskeedu aanuu qancin, laakiin wuu ka joogi waayay, markii Muthayna loo guuriyay nin kale aad ayuu uga gilgishay, Yemen ayuu aaday oo ay reer abtiyaashii ku sugnaayeen, muddo kadib waxa uu dib ugu soo laabtay (waadil al-quraa) oo ay Buthayna daganeyd,  waxaa lama filaan ku noqday in Buthayna iyo ehelkeedii ay u guureen Shaam iyo Suuriya, waxa uu goostay inuu Masar u haajiro, wadadii ayuu ka lumay illaa uu ka dhinto, isagoo mar kasta ay rajadiisu ahayd inuu Buthayna arko ama uu daris la noqdo, maadama ay ceeb ahayd ninku inuu daba dhigto naag uu nin kale qabo.
Gabayadii uu u tiriyay bayd ka mid ah haddaan macnihiisa eegno: (Buthaynaay naftaydu mar kuma soo xasuusato illaa waxey ku dhawaatay iney go’do, haddii aan isku dayo inaan is celiyo oo aan is adkeeyo waxaan is arkaa anigoo illinta daadinaya oo aan joojin karin.
3- Kathiir iyo Cizat
Waxaa dhici karta iney tahay markii ugu horreysay ee lamaanahan aad maqasho, laakiin sida waaqica uu yahay, lamaanahani waxey ka mid yihiin lamaanayaashii jacaylkii ugu darnaa uu haleelay, Khathiir binu Cabdiraxmaan al-Aswad al-Khusaacii waxaa lagu yaqaanney inuu ka mid ahaa gabayaagii xilligii reer banii Ummaya, waxaa aad loogu yaqaannay inuu aad u jecel yahay Cizat, waxaaba lagu naaneysi jiray (Kathiirkii Cizat) oo labadooda magac oo isku lamaansan naaneys looga dhigay, bilowgii jacaylkooda waxaa la sheegaa iney ku kulmeen ceel loo arooro.
Bayt ka mid ah gabayadii uu u tiriyay: Quruxdeeda waxwalba oo kale way ka sidataa, waa sidii xiddig iftiin badan oo xiddigaha kale ka dhex dhaalaya.
4- Qays iyo Layla
Qays ibnu al-maluux waxa uu ku caan baxay sida uu leyla bintu Mahdi uu u jeclaa, aabaheed ayaa u diiday inuu guursado, nin kale ayaana loo guuriyay, jacaylka qeys wixii uu ka sameysan karo ayuu ka sameystay, dadkii ayuu ka go’ay dharkiisii wuu jeex jeexay ilaa loogu macag daro kii Layla ku waalnaa, bayd ka mid ah gabayadisii ugu caansanaa, waxaan soo agamaraa guriga leyla ay adaganeyd, markaas ayaan gidaarka dhunkasho kala daalaa, gidaarka kalgacayl goonni ah uma hayo, laakiin ciddii daganeyd ayaan kalgacaylka u qabaa.
5- Qays iyo Labnaa
waa Qays binu Dureyx al-laythi al-Kinaani, waxa uu jeclaaday Labnaa bintul al-Xabaab al-Khusaaciyah, waxa uu jacaylka u  qaaday aragtidii koowaad ee uu indhaha qac ku siiyo, xilli uu xoolo u waraabinayay, waxaana la sheegaa iney is guursadeen, laakiin markii ay caruur u dhali weyday ayaa hooyadii ka furtay si uu u tarmo oo fariciisu aanu u go’in maadama uu madi ahaa, laakiin markii uu furay ayuu ka shallaayay oo uu tiriyay gabayo uu ku muujinayo jacaylkiisa, sida uu ugu xiisay, iyo shalleytaha uu joogo. gabayadii uu tiriyay waxaa ka mid ahaa:
Ma waxaad u ooyaysaa Labna oo aad meel cidlo ah kaga tagtay, xilligii ay talo farahaaga ku jirtay, haddii markii hore adduunyo oo dhan ay Lubna kuu ahayd maanta waxwalbaa sidii hore wey ka bedelmeen oo noloshu qiimo ma laha.
Si kastaba, sida taariikhda aan ku aragnay amaba waqti dhow oo aan sidaa u sii fogeyn ahaa jacaylkii Boodhari oo sida muuqata inoo ah tusaalaha ugu dhow ee jacaylka dhabta ah ee dhanka Soomaalida loo soo qaato.

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).