SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.
Gabdhuhu wey kala duwan yihiin Dabeecad ahaan, taasina waxey keeni kartaa iney ku kala gedisnaadaan Calaamadaha ay muujiyaan marka ay Wax jeclaadaan, balse Ogoow iney jiraan Calaamado ay ka siman yihiin Gabdhaha wax jecel, Calaamadahaasi kuwooda ugu Caansan waxaa ka mid ah:-
1- XISHOODKA:-
Waa Calaamadda ugu horeysa waxa ay la soo baxaysaa Xishood Xad-dhaaf ah iyo cabsi oo mararka qaarkood ku Kalifa iney ku Sheegan kari waydo jacaylka ay kuu qabto ama ay kugu eegi kari waydo indhaheeda
2- NAXDIN:-
Waxaa Gabadha ku badanaaya Naxdinta dhinaca Wadnaha la Xiriira oo markasta oo ay la Kulanto Qofka ay jeclayd, waxaa aad u kordha Garaaca Wadnaha, taasi oo ay Wehliyaan isku Dhexyaacid iyo Aamusnaan.
3- HADAAQ:-
Waxaa Gabadha ku bata in ay markasta ku Halmaanto Magaca Qofka ay jeceshahay iyada oo qof kale u yeereysa ayey ku Hadaaqeysaa Magaca Qofka ay aadka u jeceshahay, isla mudo yar kadib wey ka noqonaysaa iyada oo iska dhigaysa iney Khaldantay.
4- MASEER:-
Waxa ay la soo baxeysaa Masayr oo ay ka qabto in laga qaado Jacaylkeeda, xitaa haddii ay Aamisan tahay in uu Daacad u yahay, markasta oo ay arki weydo waxa ay u qaadataa in uu ku maqan yahay Gabadh kale.
5- EEGMO XAD DHAAF AH:-
Waxey markasta jeceshahay in ay Daawato Qofka ay u Bogtay sawiradiisa amaba si toosa, kama Dhergeyso in ay Daawato 24ka Saacadood, mana jecla inuu isaga arko iyada oo eegeysa, marka uu soo eego Dhaqsi ayey uga jeesanaysaa iyada oo si Deggen ay Indhaha ugu Xadeyso.
6- SOCOD KU BADIN:-
Goor kasta waxey Raadisaa in ay Indhaha ku dhufato Qofka u daran iney Aragto, taasina waxey keentaa in ay Bilawdo socod badan oo ay ku aadeyso Goobaha laga helo Qofka ay Aawadiisa u jiran tahay.
7- WAX KASTA HAYE:-
Markasta oo uu wax weydiiyo Qofka ay Jeceshahay waxey ugu jawaabtaa Haye, xitaa haddii aanay waxaasi aysan Awoodi karin, arintani waa Culayska uu leeyahay Jaceylka oo Qofku marna ma Oran karto waxaasi ma Awoodi karo.
8- HADALKIISA MA DHIBO:-
Qofka ay jeceshahay wax kasta oo uu ku yiraahdo uma keeno wax Dhibaato ah, xitaa hadeey noqoto Caay, Af xumo, Hanjabaad iyo iwm , kama Xanaaqayso waayo waxaa jiidanaayo Mowjadaha Jaceylka.
9- XARAGO XAD DHAAF AH:-
Goor kasta waxey iska dhistaa Dhinaca Lebiska iyo kala Beddelka Dharka. tani waa Calaamad Muujineysa soo Jiidasho ay ku soo jiidaneyso Qofka ay jeceshahay, oo waxey ka Baqeysaa in lagu naco Lebis Xumada iyo Xarago la'aanta.
10- TALEEFAN KU HADAL BADAN:-
Waxey aad ugu Dadaaleysaa in ay Xiriir fiican la yeelato Qofka ay jeceshahay haddii ay ku Adkaato iney toos ula Xiriirto jacaylkeeda, waxey la Xirireysaa Cida ay isku fiican yihiin Jacaylkeeda, markasta waxa lagu arkaa iyadoo Taleefoon Garaaceysa ama iyadoo Fariimo direysa.
Comments
Post a Comment