QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).






Waxaa jirtay mid ka mid ah Magaalooyinka Carbeed Gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen Dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka Wanaagsan ka heysan Halista Qaawinta Cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray Xaflad kastoo lagu sameeyo Munkar uusan ilaahay Raalli ka aheyn.

Waxay gabadhu aad ugu Caan baxday Labiska aadka u muujiya jirka Dumarka, waxay sidoo kale aad ugu Dheg dhegi jirtay Ragga Xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku Camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay Heesto iyadoo Muusikada si Xad dhaaf ah ula jaan qaadi jirtay.

Maalin ayaa waxaa looga yeeray Xaflad Aroos oo aad u Camiran, waxay aheyd Goob Mashxarad iyo Tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxeyna u soo Lebisatay sidii looga bartay iyadoo mar qura badashay Jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen “Waxaa soo gashay Hebla”.

Waxaa la tumay muusigii, waxaa la Dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay, balse aan Xad Diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sawaxanka uu qurxiyo Sheydaanka, ee heesaha.

Dadkii oo dhan baa Qalbigooda siiyay waxa socda, waxaase mar quraa la waayay Fanaanaddii la jeclaa codkeeda, lagu maadeysan jiray Cowradeeda, misa hadii leys Fiir fiiriyay waxay taallaa Dhulka iyadoo aan Dhaqaaq iyo Dareemo midna laheyn.

Dadkii baa isku soo xoomay oo korkeeda iskugu yimid, laakiin Saaxibteed oo aan goobta ka sii fogeyn baa Dalabtay in Muusikada aad loo dheereeyo iyadoo tilmaameyso inay Suuxdinta wax Caadiya tahay..! Laakiin arrinku sidaas wuu ka gedisnaa markaas.

Waa laga quustay inay soo toosto oo ay sameyso wixii laga sugayay, waxaana markaas goobta soo galay Lamaanihii Arooskooda Munkarka ku Qurxiyey, waxay taabteen wadnaheeda misana “Gaw iyo Gariir” midna maleh.

Waxay ogaadeen inay dhimatay, waxaase Cajiib ah intaasi ka dib maxaa xigay..?

Kolkey hubsadeen inay Meyd tahay ayay u Carareen inay Asturaan oo ay Dhar Huwiyaan laakiin waxaa la yaab iyo amakaag madaxa ka weyn uu ku dhacay dhamaan dadkii goobta joogay kadib markii Maro kasta lagu dado korkeeda ka Biibtay oo ay Jirkeedii uu diiday wax kastoo la Huwiyo.

Waxaa deg deg loogu yeeray Seygeedii oo aan ka war heyn arrintan soo Korortay wuxuuna si  Hal-haleel ah ku soo gaaray goobtii ay taallay Xaaskiisii geeriyootay, wuxuu ku Cararay inuu bal marka hore Asturo, laakiin isna wuu ka quustay inuu jirkeeda Qariyo.

Isagoo naxsan oo wareersan oo aan ogeyn siduu waxyeelo ayuu geeyay goobtii lagu dhaqi jiray meydka, misana waxaaba ka sii daray jirkeedii oo laga quustay in karfantii la galiyo, waxaa mara kastoo la huwiyo u biibeysaa sida inay dabeyl xagga hoose kaga imaaneyso oo ay haatineyso.

Waa Arrin cajiib ah oo Maangal la noqon weysay Dadkii goob joogga u ahaa arrintan qabsatay Gabadhii jirkeeda Qaawisay ee Adduunka lagu ibtileeyey.

HADDABA MAXAA QISADAN LAGA FAHMAY?. 

Marka hore waxaa dhacdadaan baraarujin u tahay dhamaan Dumarka Islaamka, gaar ahaan kuwa jirkooda qeyb ka mid ah aan Asturin.

Marka xigta haddii Qofku Ilaahey ka Baqi waayo intuu Adduunka joogo waxaa Suurtagal ah in Ciqaabta Qabriga iyo Cadaabka Aakhiro aan lala sugin oo Adduunka lagu imtixaano ama Khaatumo Xun uu ku dhameysto Nolosha.

Waxaa muhiim ah in Qof kastoo Dumar ah ogaato in jirkeeda oo dhan uu Cowro yahay, loona baahan yahay inay ku Asturto dhar xoog leh oo aan ku Dhaganeyn Qeyb jirkeeda ka mid ah.

 (Alloow Dariiqa Xaqa na Fahamsii yaa Rabbi).


Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla