SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.
Gabdhuhu wey kala duwan yihiin Dabeecad ahaan, taasina waxey keeni kartaa iney ku kala gedisnaadaan Calaamadaha ay muujiyaan marka ay Wax jeclaadaan, balse Ogoow iney jiraan Calaamado ay ka siman yihiin Gabdhaha wax jecel, Calaamadahaasi kuwooda ugu Caansan waxaa ka mid ah:- 1- XISHOODKA:- Waa Calaamadda ugu horeysa waxa ay la soo baxaysaa Xishood Xad-dhaaf ah iyo cabsi oo mararka qaarkood ku Kalifa iney ku Sheegan kari waydo jacaylka ay kuu qabto ama ay kugu eegi kari waydo indhaheeda 2- NAXDIN:- Waxaa Gabadha ku badanaaya Naxdinta dhinaca Wadnaha la Xiriira oo markasta oo ay la Kulanto Qofka ay jeclayd, waxaa aad u kordha Garaaca Wadnaha, taasi oo ay Wehliyaan isku Dhexyaacid iyo Aamusnaan. 3- HADAAQ:- Waxaa Gabadha ku bata in ay markasta ku Halmaanto Magaca Qofka ay jeceshahay iyada oo qof kale u yeereysa ayey ku Hadaaqeysaa Magaca Qofka ay aadka u jeceshahay, isla mudo yar kadib wey ka noqonaysaa iyada oo iska dhigaysa iney Khaldantay. 4- MASEER:- Waxa ay la s...