XAAJIGA IXTIRAAM OO WEYNEE AMARKIISA.




Walaasheyda Muslimadda ahey ku Dadaal inaad Ninkaaga kula hadasho Kalmadaha Wanaagsan, ee aad is leedahay Qalbiga wey Bogsiin karaan, iyadoo aan ka maqneyn Ducada.  Bal dib u Milicso Dardaarankii ay Umaama Bintu Xaarith siisay Gabadheeda markii la Guursaday, waxey u soo jeedisay Dardaaran Muhiim ah, waxeyna Hadalkeeda ku bilawday:-

Gabaryahay Dardaaranka lagagama Maarmayo Edeb aad Dadka dheer tahay ama aad ka Nasab fiican tahay awgeed, waan kaa dhaafi lahaa, laakin waa Xasuusin Qofka Moog, Qofka Caqliga lehna waxey u tahay Caawin iyo gargaar, Gabadheydiyeey Haddii Naagi ka maarmi karto Nin, Aniga ayaa Aabahaa ka maarmi lahaa, lakiinse Rag iyo Dumar waa leysku abuuray.

Gabadheydiyeey maanta waad ka baxday Seerihii aad ku jirtay ee aad ka soo dhex baxday, waxaadna u tagtay Wiil aanad horey u Aqoon, iyo Saaxiib aanad horey u Aqoon, Maamulkiisana waad Hoos tagtay u noqo Addoon, isaguna Adoon buu kuu noqone, waxaad ku Dadaashaa in aad u Xifdido Qodobadan:-

1- Qanaaco hakaa helo Ninkaagu, wuxuu ku Amrana ka maqal oo ku Adeec. (Qanacadu qalbiga ayay Raaxo u tahay, Dhaqanka Wanaagsanina ilaahay ayuu Raali geliyaa).

2- Meesha Ishiisu qabato ka Dadaal, meesha Sankiisu Uriyana ka Dadaal, Indhihiisu yaaney qaban wax Xun, yaanu kaa Urin Ur aan Wanaagsaneyn.

3- Waqtiga Cuntadiisa haka dib Dhicin, Waqtiga uu Seexanayana ka War haay, Gaajada wey Kulushahay, Hurdada oo laga Dhergi waayana Caro ayay keentaa.

4- Maalkiisa ka Dadaal, Caruurtiisana ka Dadaal, (Maalkiisa si fiican u Maamul, Caruurtiisana si fiican u Dhaqaalee).

5- Sir uu leeyahay haka Fidin, Amar uu ku siiyana haku Caasin, (Haddii aad Sirtiisa ka Fidiso, kama Aamin noqon doontid Balan Burintiisa, haddii aad Caasisana waad ka Caraysiisay).

6- Ka digtoonow inaad Faraxdo, isaga oo Murugaysan, ama aad Murugooto isaga oo Faraxsan, markasta oo aad Ninkaaga Qadariso isaguna wuu ku Qadarin, markasta oo aad Waafaqdo sida uu doonayo, isaguna adiga ayuu kugu Waafaqayaa sida aad doonayso, Ogowna gabaryahay inaadan sidaa Awoodi doonin ilaa waxa uu isagu jecel yahay aad ka Horaysiiso waxa aad Adigu jeceshahay, ilaahay baa markaa Kheyr ku siin doona, ilaahey baana Amaano kaaga dhigay.

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla