Posts

Showing posts from March, 2019

Khabiir Dhanka Arrimaha Qoyska Ah oo Ka Warrameysa Sababaha Ay Dumar Badani Ku Xushaan Ragga Bidaarta Leh

Dookha iyo tilmaamaha quruxda dadku wey ku kala duwan yihiin, ninka bidaarta leh mararka qaar waxa uu yeeshaa soojiidasho goonni ah oo ragga kale ay kaga duwan yihiin, gabadho badan ayaa ka hela ragga “Bidaarta leh” oo ku soo jiita kalsoonida ay naftooda ku qabaan iyo soo jiidashadooda gaarka ah. khabiirka dhanka xiriirka ee la yiraahdo Amal Fahmi ayaa sharraxaad ka bixineysa sirta soojiidashada ragga bidaarta leh, iyo sababaha ay gabadho badani uga helaan oo ay ku soo koobtay 5 qodob. 1-Kalsoonida naftooda ay ku qabaan Ninka bidaarta leh aad ayuu iskugu kalsoon yahay, uma aabbo yeelo ra’yiga ay dadka kale ka qabaan muuqaalkiisa, maadama uu waayay wixii ugu qaalisaa ee timaha, hadana uu weli naftiisa ku kalsoon yahay, sidaa darteed; ha isku dayay inaad daciifiso kalsoonida maadama aaney marnaba suurtaggal kuu ahayn. 2- Soo jiidasho goonni ah ayey leeyahay Ninka bidaarta leh soo jiidasho goonni ah ayuu leeyahay marka loo barbardhigo ragga kale, waxa uu dareensan yahay inuu r...

HA XUMEYNIN XAASKAAGA

Dumarka waxey yiraahdeen:- "Abaalkii Hooyanimo mala iloobay, Barbaariye Ubadka iyo Macalin Abaabshaan ahaa, Astaantii Qaranka iyo Aayaha Guushaan ahaa, Ha yeeshee Inan Ragoow Ergiyo waxaan ahay Dacwo, Eed baan kaa Tabanayaa”. Waa Xaqiiq Dumarka waxaa laga abuuray Feerta Ninka, lagama abuurin Madaxiisa si ay uga Sareyso, lagamana abuurin Cagtiisa si uu Gus Hooseeyo, Waxaa laga sameeyay dhinaciisa si ay ugu Dhowaato, Gacantiisa hoosteeda si uu u Xafido, Wadniha agtiisa si uu u jeclaado. Haddaba, Inan Ragoow Goortii ay ku tiraahdo aan wada hadalno, wax badan baan kaa tabanayaa, Ha u qaadan Xumaan, oo Xaq bey u leedahay iney ku Garansiiso Qaladaadkaaga, ee Fadlan si Deggen wax isu Fahamsiiya, balse Adigu noqon mid Faafiya Ceebaheeda, taasi waa Dhaqan xumo, mana aha Islaanimo. Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kula doodo, oo Waxey rabtaa in Xaaladu idiin Hagaagsanaato Labadiinaba. Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kuu kabato Shaahaaga. Waxay rabtaa keliya inay Hubiso inuu si fiican kuugu D...