HA XUMEYNIN XAASKAAGA
Dumarka waxey yiraahdeen:- "Abaalkii Hooyanimo mala iloobay, Barbaariye Ubadka iyo Macalin Abaabshaan ahaa, Astaantii Qaranka iyo Aayaha Guushaan ahaa, Ha yeeshee Inan Ragoow Ergiyo waxaan ahay Dacwo, Eed baan kaa Tabanayaa”.
Waa Xaqiiq Dumarka waxaa laga abuuray Feerta Ninka, lagama abuurin Madaxiisa si ay uga Sareyso, lagamana abuurin Cagtiisa si uu Gus Hooseeyo, Waxaa laga sameeyay dhinaciisa si ay ugu Dhowaato, Gacantiisa hoosteeda si uu u Xafido, Wadniha agtiisa si uu u jeclaado.
Haddaba, Inan Ragoow Goortii ay ku tiraahdo aan wada hadalno, wax badan baan kaa tabanayaa, Ha u qaadan Xumaan, oo Xaq bey u leedahay iney ku Garansiiso Qaladaadkaaga, ee Fadlan si Deggen wax isu Fahamsiiya, balse Adigu noqon mid Faafiya Ceebaheeda, taasi waa Dhaqan xumo, mana aha Islaanimo.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kula doodo, oo Waxey rabtaa in Xaaladu idiin Hagaagsanaato Labadiinaba.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kuu kabato Shaahaaga. Waxay rabtaa keliya inay Hubiso inuu si fiican kuugu Dhadhamaayo.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay iska ilmeyso sabab la’aan. Ha weydiin, u sheeg in wax kasta Hagaagayaan, oo Raali geli.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kugu dhiirigeliso inaad tukato. Waxay rabtaa inaad Jannada ku kulantaan.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay Maseyrsan tahay, Ogoow waxa Rag dunida jooga adiga ayey kaala soo baxday.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay saacado ku qaadato iney is diyaariso. Waxey rabtaa iney kuu muujiso Bidhaanteeda Qurxoon.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kuu sheegto in aad gaariga tartiib u kaxeyso. Waxay kula rabtaa keliya Badbaado.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay dabeecadeeda is bedesho. In ka badan baa leedahay. Xikmad & deganaan ayaad ku bedeli kartaa.
Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kuu soo iibiso Macawis aadan jecleysan. U Dhoolacadee una sheeg iney tahay wixi aad weligaa rabtay.
Dhamaan kuwani waxey qeyb ka yihiin dabeecadaha Dumarka. Haweenku waa qeyb ka mid ah Noloshaada. Xushmee, Xanaanee oo Xaqdhowr.
Waa dhaqan xumo in Nin Rag ah uu Xaaskiisa faafiyo Ceebaheeda, taasi waa Dadnimo Xumo, Sow ma oga Doqonka, Xaaskiisu iney tahay Noloshiisa Qeyb la mid ah, oo ay ku leedahay Ixtiraam iyo Xaq Dhowr.
Alloow Ragga kuwooda Jaahiliinta ah, Xaqa Fahamsii, yaa Rabbi.

Comments
Post a Comment