Khabiir Dhanka Arrimaha Qoyska Ah oo Ka Warrameysa Sababaha Ay Dumar Badani Ku Xushaan Ragga Bidaarta Leh


Dookha iyo tilmaamaha quruxda dadku wey ku kala duwan yihiin, ninka bidaarta leh mararka qaar waxa uu yeeshaa soojiidasho goonni ah oo ragga kale ay kaga duwan yihiin, gabadho badan ayaa ka hela ragga “Bidaarta leh” oo ku soo jiita kalsoonida ay naftooda ku qabaan iyo soo jiidashadooda gaarka ah.
khabiirka dhanka xiriirka ee la yiraahdo Amal Fahmi ayaa sharraxaad ka bixineysa sirta soojiidashada ragga bidaarta leh, iyo sababaha ay gabadho badani uga helaan oo ay ku soo koobtay 5 qodob.
1-Kalsoonida naftooda ay ku qabaan
Ninka bidaarta leh aad ayuu iskugu kalsoon yahay, uma aabbo yeelo ra’yiga ay dadka kale ka qabaan muuqaalkiisa, maadama uu waayay wixii ugu qaalisaa ee timaha, hadana uu weli naftiisa ku kalsoon yahay, sidaa darteed; ha isku dayay inaad daciifiso kalsoonida maadama aaney marnaba suurtaggal kuu ahayn.
2- Soo jiidasho goonni ah ayey leeyahay
Ninka bidaarta leh soo jiidasho goonni ah ayuu leeyahay marka loo barbardhigo ragga kale, waxa uu dareensan yahay inuu ragga kale ka duwan yahay sidaa darteed; muuqaalkiisa aad ayuu ugu dadaalaa, marwalba wuu dhisan yahay tallaabadiisana uu qaadayo si kalsooni leh ayuu u qaadaa, arrintaas oo gabdho badani ay ka helaan.
3-Timojarihu hortabintiisa kuma jiro
Dumarku ma jecla ragga timahooda ku mashquula ama xilliyo badan ku noqnoqdo timojaraha, si uu kolba qaab cusub timihiisa ugu jaro, dhaqankaas oo dumarku ay u arkaan inuu yahay mid caruurnimo, sidaa darteed; ragga bidaarta leh mushiladdaasi ma qabaan.
4- Da’du kama muuqato
Ragga bidaarta leh waxey leeyihiin astaan goonni ah oo ay ragga kale kaga duawan yihiin, marka ay weynaadaan calaamadaha caajiska kama muuqadaan oo ay bilowgeeda hore cirradu tahay, maadma timihiisa madaxa wax cirro ah aaney ka soo baxeyn.
5- Muraayadda horteeda waqti badan kuma bixiyo
Ragga bidaarta leh kuma mashquulaan waxyaabaha yaryar sida qaabka timaha madaxooda, waxey u arkaan in muraayadda waqti badan lagu bixiyaa ay tahay waqti lumis.

Comments

  1. Asc walalkey illahey kacabso Raga illahey ma ahan waa bini adam maxaa kawada haduu xanaaqo madaxa u raarici war gabdhaha dulinimada kala tag khabir nimo waxba kama ogide ninka iyo xaaskisa ixtiraam ayay isku leyihiin ee mahan gabadha kaliya inay madaxa hoos gesato

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla