XIKMADO JACEYL OO QIIMO BADAN.
A- Jaceylku waa waxa ugu Quruxda badan ee la heysto, waxa ugu Adag ee la Kasbado iyo waxa ugu Xanuunka badan ee la waayo. B- Xushmad la’aan Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan Jaceylku waa Caajis. Daacad la’aan Jaceylku Farxad ma leh. Aaminaad la’aan Jaceylku Guul lagama gaaro. C- Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad Ballan ku sameyneysaa Qof kale Qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa Ficil si aad u Caddeyso. D- Dad badan oo Aragtida Quruxda Wejiga keliya wax ku jeclaada, Gadaal ayey ka Qoomameeyaan, sababtoo ah Jaceylku kama Dhasho Quruxda Wejiga, balse waa Quruxda Qalbiga. E- Intaadan Qofka jeclaan marka hore Fiiri inuu Naftiisa jecel yahay, Ogoow haddii uusan Naftiisa jecleyn adigana jaceyl kuma siin karo. F- Goortii Qof uu ku jecel yahay, ma aha had iyo jeer inuu Afka ka sheego, ee waxaad mar kasta ka garan kartaa Habka uu kugula Dhaqmo. G- Haddii Qof aad is jecleedeen kaa taago, ha Murugoon, ha is Gubin, Cuntada ha ka soomin, Heeso badan ha isku Maaweelin. Qalbiga Adkee,...