Xikmad iga yaabisay!

Duq ayaa wiil uu awoowe u yahay ku yiri:
Wiilkeygiyoow, Janada gelitaankeedu waa lacag la'aan (gift), Naarta gelitaankeeduna waa in lacag ku baxdaa.
Wiilkii ayaa yiri: sidee ku dhacday?
Awoowihi ayaa ku yiri: Qofka Qamaarka ciyaaraya lacagbuu bixinayaa, qofka khamrada cabaya lacagbuu bixinayaa, qofka sigaarka ,shiishadda, taabuuga cabaya lacagbuu bixinayaa, qofka heesaha dhageesanaya lacagbuu bixinayaa, qofkii xumaanta (Zinada) aadaya lacagbuu bixinayaa.
Laakiin wiilkeygoow, Janada kaagama baahna lacag lagu bixiyo.....
Qofkii tukanaya, isagoon lacag bixin ayuu tukadaa, qofkii Soomaya isagoon lacag bixin ayuu soomaa, Astagfaartu waa lacag la'aan. Ee wiilkeygoow ma Naarta lacag ku bixinaysaa, mise Janada ayaad lacag la'aan aadaysaa?

ogow, xumaantaas lacagaha lagu bixinayo, cuduro ayaa laga qaadaa intaanba Naarta lagaarin.
Allaw Naartaada naga celi ,iskama celin karnee.

((Xikasho macalin keyga ))

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla