XIKMADO JACEYL OO QIIMO BADAN.
A- Jaceylku waa waxa ugu Quruxda badan ee la heysto, waxa ugu Adag ee la Kasbado iyo waxa ugu Xanuunka badan ee la waayo.
B- Xushmad la’aan Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan Jaceylku waa Caajis. Daacad la’aan Jaceylku Farxad ma leh. Aaminaad la’aan Jaceylku Guul lagama gaaro.
C- Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad Ballan ku sameyneysaa Qof kale Qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa Ficil si aad u Caddeyso.
D- Dad badan oo Aragtida Quruxda Wejiga keliya wax ku jeclaada, Gadaal ayey ka Qoomameeyaan, sababtoo ah Jaceylku kama Dhasho Quruxda Wejiga, balse waa Quruxda Qalbiga.
E- Intaadan Qofka jeclaan marka hore Fiiri inuu Naftiisa jecel yahay, Ogoow haddii uusan Naftiisa jecleyn adigana jaceyl kuma siin karo.
F- Goortii Qof uu ku jecel yahay, ma aha had iyo jeer inuu Afka ka sheego, ee waxaad mar kasta ka garan kartaa Habka uu kugula Dhaqmo.
G- Haddii Qof aad is jecleedeen kaa taago, ha Murugoon, ha is Gubin, Cuntada ha ka soomin, Heeso badan ha isku Maaweelin. Qalbiga Adkee, ka dibna horay u wado Noloshaada. ileen Bun haddii la waayo Beddelkiisa lama waayin.
H- Ha u bedelin Midabkaaga iyo Naftaada si Dadku kuu jeclaadaan. Ahow Qof ku kalsoon Abuurista Alle, kolkaas Dadka ayaa ku jeclaanayo.
I- Dadka sida dhabta ah isu jecel si Sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto Boqol sababood oo ay ku kala tegi karaan waxey helaan Hal sabab oo ay ku wada joogi karaan.

Comments
Post a Comment