Posts

Showing posts from August, 2018

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Hooyo Macaan iga Raali ahoow).

Islaan ayaa waxey maalin Canaanatay Gabar ay dhashay. Gabadhu waxey markaas aheyd inan intey Qaan gaartay, Hawada Sare mareysay,  Inta Hooyadeed Dhoocil la mid ah ka soo qaadday, bey Muran iyo Jaqjaq kala hor timid. Koolkoolintii intey si kale u qaadatay, bey inta Qolkeedii gashay, oo soo Lebisatay, iska Dhaqaaqday. Halkii ay u jeeday iyada oo aan gaarin, ayey inta daashay, meel Jardiin ah iska Fariisatay. Iyada oo weli meesheedii Fadhida, ayaa waxaa kor ka aragtay Islaan Gurigeedii Adeeg u wadatay. Inta ku soo Leexatay, bey ku tiri “Eeddo, maxaa meesha ku Fariisiyey?”. Gabadhu, indhaha bey ka eegtay mooyee, islaantii uma war celin. Islaantii, inta aragtay in ay Gabadhu wax si ka yihiin, bey misena ku tiri “Eeddo, soo bax, aan Gurigeyga ku geeyee…”. Gabadhii, dan baa heysaye, wey Daba gashay. Markii ay Gurigii tageen, ayaa Islaantu aragtay Gabadha Afkeeda oo qalalan, kolkaasi ayey garatay in ay Gabadhu Gaajeysan tahay. Inta Dabkii Shidday, ayey isla markiiba ugu tuurtay Baasto. K...

Arrimaha Dadkii Hore Ku Qiimayn Jireen Aftahnimada

Dadyowga ilaahay abuuray ma sina, sida faraheenu oo kale, qaarba waa cayn gaar ah. Midbaa aqoon leh, midbaa jaahil ah, midbaa maskax fiican leh, midbaaa maan-gaab ah, midbaa xubinta hadalka yaqaan, midbaa munaafaqada xariif ku ah, midbaa beenta iyo huuhaada ku xeel dheer, midbaa iska hor-keenka ku talaxtagay, midbaa cayda iyo shakhsi weerarka ku takhsuusay, midbaa qabyaalad-cayga dugsi uga soo baxay IWM. Aftahnimadu kuma xidhna gabayo iyo maahmaaho la tiriyo, balse waxay ku xidhan tahayhadalo iyo erayo xigmad iyo wax-fahansiin xambaarsan. 80% aftahnnimada waa dhasho, waana hibo ilaahay bixiyo, waa tii hore loo yidhi “ilaahayna la kala baryi og, hadalna la kala odhan og”. Balse waa la baran karaa, haddii la isku taxalluujiyo. Qofka doonaya inuu noqdo aftahan, waa inuu markasta dhagaysto khudbaha shakhsiyaadka af-miishaarka ah, amma akhristo buugta ay qoreen qorayaasha qallinka af-miishaarka ku ah ( qallin ku-hadle). Dhammaan arrimahani waxay qofka ka caawinayaan inuu si tartiib, tartiib...

ASTAAMAHA NINKA AY JECEL YIHIIN DUMARKA INEY GUURSADAAN.

Image
Baaritaan dheer oo la sameeyay ayaa waxaa la Ogaaday Astaamaha ay rabto Gabadha Muslimada ah Ninka ay rabto iney Guursato mid leh Astaamahan:- NIN ALLE KA BAQA OO AKHLAAQ LEH. Waa midka Xaaskiisa kula Dhaqma sida uu Alle faray, isla markaasna leh Akhlaaqda Rasuulka CSW, wuu Dhowraa, wuu Xafidaa, wuuna karaameeyaa Xaaskiisa. MID DEEQSI AH OO GACAN FURAN. Waa midka aan Waxba ka Hagran Xaaskiisa, isla markaasna Xuquuqdeeda aad u xafida, Gabadha midkaas heshaha Dadku waxey u arkaan mid Cawo iyo ayaan leh. waa midka Guriga ku soo noqda isaga oo Wax un ku sida Gacantiisa si uu uga Farxiyo Xaaska iyo Caruurtiisa. MIDKA INDHAHA LAABTA. Waxa ugu weyn ee Dhaawaca Qalbiga Gabadhu waa hadeey Ogaato in Ninkeedu uu Indhaha la Raac-raaco Dumarka kale, taasi waxey yareysaa Kalsoonida ay Gabadhu ku qabto Xaajigeeda. Gabadhu waxey had iyo jeer jeceshahay Midka ay indhihiisu ku Doogsadaan iyada Aragtideeda oo keliya. MID IXTIRAAMA. Waa mid Ixtiraama Xaaskiisa, kuna Ixtiraama Ra’yigeeda,...

ADIGA UN BAAN KU JECLAHAY.

Xaafada aan ku Noolahay waxaa degen Hablo badan oo aad u Qurux badan, balse Anigu Adiga un baan ku jeclahay Gacaliso. Wakhtiga aan Iskuulka joogo, waxaa jirta Hablo badan oo Qalin i weydiiya iyaga oo heysta Qalin, iyo kuwo Buuggeyga iigu soo Rida Warqado jaceyl, Waan dareemaa doonistooda Dadban. balse Anigu Adiga un baan ku jeclahay. Gabadha Joogta Meherada aan ka Cabo Shaaha, Marka aan Cabo waxey ii sheegtaa Saaxiibkey inuu Lacagta bixiyey, Marka aan weydiiyo Saxiibada aan wada soconayna waxey ii sheegaan inaanay Waxba bixin, waan Dareemaa Arrintaas. balse Anigu Adiga un baan ku jeclahay. Gabar walba oo aan arko, Adiga ayaa igala qiima badan Mar walba oo aan ku soo Xasuusto Qalbigeyga waxaa soo gasha Neecaw Qabow iyo Farxad aan qiyaasi karin. Waxaan kuu qabo jaceyl keliya maaha , balse Qalbigeyga ayaan waxaan kaaga dhisay Taallo uu Magacaagu ku qoran yahay.