QISO YAR OO CAJIIB AH. (Hooyo Macaan iga Raali ahoow).
Islaan ayaa waxey maalin Canaanatay Gabar ay dhashay. Gabadhu waxey markaas aheyd inan intey Qaan gaartay, Hawada Sare mareysay, Inta Hooyadeed Dhoocil la mid ah ka soo qaadday, bey Muran iyo Jaqjaq kala hor timid. Koolkoolintii intey si kale u qaadatay, bey inta Qolkeedii gashay, oo soo Lebisatay, iska Dhaqaaqday. Halkii ay u jeeday iyada oo aan gaarin, ayey inta daashay, meel Jardiin ah iska Fariisatay. Iyada oo weli meesheedii Fadhida, ayaa waxaa kor ka aragtay Islaan Gurigeedii Adeeg u wadatay. Inta ku soo Leexatay, bey ku tiri “Eeddo, maxaa meesha ku Fariisiyey?”. Gabadhu, indhaha bey ka eegtay mooyee, islaantii uma war celin. Islaantii, inta aragtay in ay Gabadhu wax si ka yihiin, bey misena ku tiri “Eeddo, soo bax, aan Gurigeyga ku geeyee…”. Gabadhii, dan baa heysaye, wey Daba gashay.
Markii ay Gurigii tageen, ayaa Islaantu aragtay Gabadha Afkeeda oo qalalan, kolkaasi ayey garatay in ay Gabadhu Gaajeysan tahay. Inta Dabkii Shidday, ayey isla markiiba ugu tuurtay Baasto. Kolkii ay gabadhii Feeraha iska saartay, bey inta Islaantii Gacanta ka Dhunkatay, ku tiri “Eeddo, waad Mahadsan tahay. Hooyadeyna sidaan ogaa bey iigu Qeylineysay, adna, adiga oo aysan waxba isku kaaya gelin, ayaad inta i soo wadday Cunto Macaan Gurigaaga iga siisay”. Islaantii oo markaas Fahantay xaalka gabadha, ayaa inta u soo dhawaatay ku tiri hadalkan Gabadhii beddelay “Eeddo, Cuntadan aan hadda ku siiyey ayaad sidaas Kal iyo Laabta ah iigu Mahad celineysaa, ka waran Hooyada inta aan ogaa Caloosha kugu sidday, Maalintii aad Dhalatay ilaa iyo haddana wax ku soo siineysay. Eeddo, soo taa kaama mudna Mahadin weyn? Miyey kaa Istaahishaa in aad Dhageysato ama aad la Muranto, oo waxey ku Farto aad ka Madax Adeygto?”.
Gabadhii, isla markiiba is beddel baa ku dhacay, waxeyna Go’aansatay in ay Gurigii ku laabato. Iyada oo dhex sii mareysa ayey is heleen Hooyaadeed, oo saacado badan baadi-goobeysay. Hooyadii, inta gabadhii ku soo boodday oo Labada Dhaban ka Dhunkatay, ayey soo kaxeysay. Inta Gabadhii Qolka fadhiga kaga hormartay ayey ku tiri “Hooyo Macaan soo gal, Waad Gaajeysan tehee, kaalay Cun raashinkan aan kuu Diyaariyey”. Gabadhii, kolkii ay Fariisatay, ayey aad u eegtay Cuntada Ceynba ceynka ah ee ay Hooyadeed u Diyaarisay, oo weliba aadka uga Wanaagsan midda ay Islaantii siineysay. Markaas baa Gabadhii inta Laabteedii Raxmadi Rusheysay, oo ay is heyn weyday, Hooyadeed inta ku boodday oo isku duubtay, oo Shummis ku boobtay, iyada oo Ooyeysa waxey ku lahayd “Hooyo Macaan waan ku jeclahay… Hooyo Macaan waan Khaldamay…Hooyo Macaan iga Raalli ahow”.

Comments
Post a Comment