ADIGA UN BAAN KU JECLAHAY.

Xaafada aan ku Noolahay waxaa degen Hablo badan oo aad u Qurux badan, balse Anigu Adiga un baan ku jeclahay Gacaliso.

Wakhtiga aan Iskuulka joogo, waxaa jirta Hablo badan oo Qalin i weydiiya iyaga oo heysta Qalin, iyo kuwo Buuggeyga iigu soo Rida Warqado jaceyl, Waan dareemaa doonistooda Dadban. balse Anigu Adiga un baan ku jeclahay.

Gabadha Joogta Meherada aan ka Cabo Shaaha, Marka aan Cabo waxey ii sheegtaa Saaxiibkey inuu Lacagta bixiyey, Marka aan weydiiyo Saxiibada aan wada soconayna waxey ii sheegaan inaanay Waxba bixin, waan Dareemaa Arrintaas. balse Anigu Adiga un baan ku jeclahay.

Gabar walba oo aan arko, Adiga ayaa igala qiima badan Mar walba oo aan ku soo Xasuusto Qalbigeyga waxaa soo gasha Neecaw Qabow iyo Farxad aan qiyaasi karin.

Waxaan kuu qabo jaceyl keliya maaha , balse Qalbigeyga ayaan waxaan kaaga dhisay Taallo uu Magacaagu ku qoran yahay.

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla