BARO DABEECADDA NINKAAGA.

Ninkaaga Dabeecadiisa Baro, muxuu jecel yahay, muxuuse Neceb yahay, muxuu ka Xanaaqaa, maxaa dhiba, taasi waxey kaa Caawineysaa inaad ka Fogaato waxa uu Dhibsado, kuna Dadaashid waxa uu jecel yahay.

Dumarka qaarkood weligood ma Fahmaan Ninkooda, iyagoo Sanado badan la joogay. ayey haddana Dabeecadihiisa baran, oo had iyo jeer waxey ku Celcelisaa wixii Ninkeeda Dhibaayay.

Gabadha Muslimada ah waa iney noqotaa Gabar Caqli u Saaxiib ah, oo ay Daraasad ku sameyso Ninkeeda Dabeecadihiisa, oo isweydiiso Ninkaaga maxaa dhibaayo?, ka dibna Ogaataa, ayna ka Fogaataa waxa Dhibaayo Ninkeeda, haddana is weysiisaa muxuu jecel yahay?, ka dibna u samrysaa oo ku raali gelisaa waxa uu jecel yahay.

Ogoow marka uu Ninkaagu ku arko inaad wuxuu jeclaa u sameeneyso, wixii dhibaayana aad ka ilaalineyso taasi Qalbigiisa ayaad ku Kasbanaysaa.

KU DADAAL CUSBOONAYSIINTA.

Cusbooneysii sida Guriga oo aad Alaabta qaabka ay u taalo Bedesho, Cuntada oo aad Bedesho Cuno cusub oo noocii hore ka Beddelan u samee, Dharka hadba Nooc Cusub Xiro.

Ogoow  Inaad Xaalad keliya ku Sugnaato waxey keeneysaa inuu Ninkaagu kaa Xiiso dhaco, markaa isbeddelku wuxuu keenayaa in uu Cusbooneysiiyo, isla markaasna uu Kordho Jacaylka uu Ninkaagu kuu qabo. arintan ha u daymo la'aan waa Qodob Muhiim ah, oo ka mid ah Arimaha aad ku Kasban karto Ninkaaga.

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla