QODOBO LAMMAANAHA U HORSEEDA FARXADDA IYO RAAXADA GUURKA.






Shaki kuma jiro Dumar badan ayaan la Qancin karin oo Baahidooda Shaqsiyeed eysan dhamaad laheyn. Ragga qaarna  Xaasaskooda si Xun ayey ula hadlaan oo xitaa qaar ayaa Gacan u qaada. Hadaba maxaa talo ah?.

1- FAHAM MICNAHA EREYGA GUUR.

Horta Ragga iyo Dumarkaba waxeysan Fahamsaneen Micnaha Guurka. sida uu ilaahey u Macneeyay Guurka wuxuu ku tilmaamay Naxariis iyo Jaceyl, balse Dad badan ayaan taas Fahmin oo Guurka u qaatay Cadaawad iyo is Naceyb joogto ah.

2- HA NOQON KELIGII TALIYE.

Waloow Ninka Ragga ah ilaahey ka dhigay Madaxa Reerka, hadana ma ahan inuu noqdo Keligi taliye oo go’aankasta kaligiisa qaato, waxaa Ragga looga baahan yahay iney Dumarkooda si Wanaagsan ula Dhaqmaan.

Rasuulka CSW, ayaa laga weriyay inuu yiri:- Muslimka ugu fiican Xagga Caqiidada waa kan Dabeecada Fiican leh, kuwa idinkugu Dabeecada Fiicana waa kuwa Dumarkooda si Qanaagsan ula Dhaqma. (Waxaa weriyey:- Tarmidi.

3- KU SHIRKOOBA GO'AANKA.

Markii la qaadanaayo Go’aan ku saabsan Qoyska waxaa Muhiim ah in Wadatashi la sameeyo oo mid keliya uusan Go’aan iska gaarin. Ogoow Go’aanka si Wadajir ah loo wada gaaro Khilaaf kama yimaado.

4- ISKA ILAALI XAD GUDUBKA.

Marnaba ha Aflagaadeyn Xaaskaaga, haku dhihin Hadal hoos u dhigaayo Sharafteeda, hana u qaadin Gacan Rasuulka CSW, ayaa laga weriyay inuu yiri:- Sidee ayaad u Garaaci kartaan Xaasaskiina, Maalintii, Habeenkiina ula Seexan kartaan?.

5- MUUJI DAREENKAAGA JACEYL.

Ragga iyo Dumarka Soomaalida waxaa laga la’yahay iney isku muujiyaan Dareenkooda Jaceyl, xitaa markey Magaalada maraayaan waxey u socdaan sidii Dad kala Cararaayo, taasina waa Qalad maxaa yeelay waxaa loo baahan yahay Ninka gaar ahaan inuu Tuso Xaaskiisa Dhadhanka iyo Qiimaha uu Kalgacalku xambaarsan yahay, welibana uu Dhadhansiiyo Romantic dhab ah.

6- HINAASAHA JOOJI.

Marnaba Haka Maseyrin Nolosha ay ku Nool yihiin Dadka idinka Dhaqaale fiican, Dumar badan ayaa Raggooda Kadeeda, ka dib markii ay ka Maseyraan Nolosha Dumar kale. Fadlan ha eegin kan kaa Sareeyaa ee waxaad eegtaa Kumanaanka Reer ed kaa Hooseeya adiga.

7- NINKAAGA WAQTI SII.

Rag badan ayaa ka Cawda in Xaaskooda ay Talefoon ku waaleen, haddii uu Ninkaaga Daneysto ma ahan inuusan ku jecleyn ama uu ku Qayaanayo balse waa muhiim inaad Aaminto Ninkaaga oo aad u Ogolaato Waqti uu ku daneysto oo uu Howl Maalmeedkiisa ku soo qabsado.

8- QIRO KHALADKAAGA.

Markii uu midkiin Qalad sameeyso, ha Qiro oo Raali gelin haka bixiyo, Qaladkaasina haka soo qaadina Wax weyn oo si Wadajir ah u raadiya Xal.

9- ISKU QURXIYA HOWSHA SARIIRTA.

Xiriirka Sariirta waa Qeyb Muhiim ka mid ah Farxadda Guurka, waxaana muhiim ah in Labada Qof ay si Wadajir ah ugu Faraxsan yihiin oo ay u Xiiseynayaan Arrintaas, waxaana lagama maarmaan ah iney Lamaanuhu ay Xilligaasi Muujiyaan Farxad iyadoo Midba midka kale u muujinaaya Xiisaha uu u qabo, Fagaaraha Kulankooda ee Caawa. ha noqoto Qubeyskii, Uduggii, Lebiskii ku Macaanaa Howshaasi iwm. Waxba yaan loo kala harin.

10- ILAALI SIRTA QOYSKA.

Arrintaan waa mid Dadka badankoodu ay Ogyihiin, balse mararka qaar ayaa Dhacda in Xadka laga gudbo, Reerkaaga Fadlan ha kala Sheekeysanin Dadka kale, Dumarka qaasatan waxey jecel yihiin iney Ninkooda uga sheekeeyaan Dumarka kale, ha sameynin taas, arrinta Reerkaagu Astur ayey kaaga baahsn tahay.

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla