SIDA LOOLA DHAQMO MARKA UU NINKAAGU CAROODO (XANAAQO).
Haweeney Ninkeeda Konton sano kula nooleyd Nolol Fiican iyo is Faham, ayaa Wax laga Weydiiyay Sirta ka dambeysa in Mudadaas Kontonka sano ah la qaadatay Ninkeeda Nolol fiican oo Buuq iyo Khilaaf la'aan.
Haweeneydii ayaa ku jawaabtay oo tiri:- inaad Ninkaaga Nolol fiican kula Noolaato ilaahay ka Sokow waxey ku jirtaa Gacantaada, Haweeneydu waxay Awoodaa in Gurigeeda ka dhigto Janno, waxey kaloo Awoodaa iney Gurigeeda ka dhigto Cadaab.
Ninkaaga Xoolo aad leedahay Awgood kuma Kasban kartid, Dumar badan oo Xoolo heysta ayuu Ninkoodu ka Ordayaa oo uu Nacayaa, Caruur badan oo aad dhashaana ma keeneyso Nolol fiican inaad Ninkaaga kula Noolaato, waayo Dumar badan oo Toban wiil iyo gabdho dhalay bey Ragoodu ka Cararaan amase Furaanba. Cunto Wanaagsan karinteedana maaha waayo Dumar badan oo Cuntada Xariifiin ku ah, hadana Ninkooda ka Cabanaaya ayaa jira.
Kolkaas ayey Haweenaydii tiri: Marka uu Caroodo (Xanaaqo) Ninkeygu, waxaan ku Qaabilaa Aamusnaa uu Ixtiraam la socdo. Aniga oo weliba marka uu Kelmad dhahaba Madaxa hoos u Foorariya, iska ilaali inaad Aamusto, Aamus uu Dheel dheel ku jiro oo wejigaada laga dareemaayo, Ninku Caqli ayuu leeyahay, wuuna Fahmayaa arintaas.
Haweeneydii ayaa intaasi raacisay inta uu Careysan yahay xataa Qilka ha uga bixin, sababtoo, wuxuu u maleynayaa inaad ka baxsaneysid oo aanad rabin inaad Hadalkiisa Maqasho, waa inaad Aamustaa, wax kasta oo uu yiraahdana aad ku Waafaqdaa ilaa ay Caradu ka degeyso, markuu Dhameysto ka dib ayaan baxaa oo Shaqadii Guriga iska sii wataa, waayo, hadduu isaguna Qeyliyay Nasiino ayuu u baahan yahay.
Muddo ka dib ayaan u soo noqdaa anoo Koob Sharaab ah u wada ama Shaah ah, waayo waan Ogahay inuu u baahan yahay, ka dib si Caadi ah ayaan ula Hadlaa.
Markaas ayuu i weydiiyaa oo igu yiraahdaa:- Miyaad Careysan tahay?, Anigoo ugu Warceliyo Maya Xabiibi ma Carwysni, intaa kadib wuxuu bilaabaa in uu iga raali geliyo Hadalkiisii, hadal fiicana i Maqashiiyaa.
Haweeneydii waxey intaasi Raacisay:- Gabadhu waa iney inta uu Ninkeedu ay ku jirto Carada (Xanaaqa) ay hadalkiisu Waxba ay ka soo qaadin, maxaa yeelay Qofka Careysan Afkiisa Wax kasta wuu ka soo bixi karaa, ma ahan iney Hadalkaasi ay dib u Gocato, Ogoow Gabaryaheey Ninkaagu waa inaad Sharaftaa oo aad Karaameysaa, Ogoow Karaamaduna waa Raali ahaanshaha Ninkaaga.
Haddaba, Gabdha Muslimadda ahi waxaa la gudboon iney Haweeneydaas wax ka bartaan, una Dhaqmaan sideeda si la mid ah, waxaadna ka Faa'idaysaa wax badan oo Wanaajiya Xiriirka Adiga iyo Ninkaaga.
Waxaa kale oo Muhim ah inaad ku Dhaqanto Qodobadan, hoos ku qoran:-
1- Haddii Qaladku Dhinacaaga ka yimaado, ka Raali geli Ninkaaga, Qaladkaagana qiro. Dumarka intooda badan iyaga oo Qaldan ayey Difaacaan Qaladkooda, taasna waxey keentaa kala Fogaansho aad u weyn.
2- Weligaa ha Seexan Ninkaaga oo Careysan, haddii aad sidaa sameyso, taasi waxey keeneysaa inaad Dembi weyn ku dhacdo, oo Malaa'igta ayaa ku Nacladeysa ilaa inta Waagu ka Baryayao,
3- Waxaa kale oo Muhim ah marka ay wada hadlayaan Labada isqaba ina aanay Caruurtu Maqal haba yaratee Wax Shanqar ama Buuq ah.
Comments
Post a Comment