SIDEE LAGU GARTAA DADKA XUN XUN ?.
Dad badan oo aduunkan ku Nool oo waxaa jira ku Sifoobay Xumaanta, Dadkaas waxey noqon karaan Dad kuu dhow oo Xil kaa mudan ama Dad Asxaab kula ah, iyagu isma oga iney yihiin Dad Xun xun, balse Adigu waad Ogaan kartaa, waxaadna ku Ogaan kartaa haddii ay leeyihiin Calaamadahaan soo socda midkood ama Dhammaantod, waana sidatan:-
1- Qaxey ka Baqaan iney Dadka kale wax weydiistaan haddii ay u soo Baahdaan, sida deynta oo kale ama arin in loo Xaliyo, iyaga oo ka Baqaaya jawaabta la siin doono haddii ay noqoto mid Diidmo ah, waxey dhahaan Hebel ama Heblaayo maa Wax weydiisanaa, ma anaa Waalan, waanba iska ogahay Bakhiilkaas inaan Wax ka heleyni .
2- Waxay u Maleeyaan in Wax kasta uu Isaga ama iyada laga wado marka laga Hadlaayo Xaalado guud oo dadka dhan Quseeya, waa soo boodayaan isla markii ma joogi karaan is difaacid ayey bilaabaan si in iyaga oo si Toos ah loola hadlay oo kale.
3- Mar Kasta wey isla Saxan yihiin Hadaladooda, Dhaqankooda, Ficiladooda, umana Maleeyaan in uu Qalad ka dhacay ama ka dhici doono, waxeyna dhahaan badanaa Aniga weligey Dadka kuma Xad gudbin in la igu soo Xadgudbana ma jecli.
4- Haddii aad Fikirkooda ka soo Horjeesatid waxey ku Dhaqaaqayaan in ay Xumaan kugu sameeyaan ama waxey kugu Sheeganayaan wixii ay ku sii jireen.
5- Had iyo jeer waxey ku Mashquulsan yihiin Sadka kale Xumaantooda, Hadaladoodana waxaa ka mid ah Hebel ka waran?, muxuu haayaa?, haddaad kulantaan Xilli walba ama qof kale ayuu kaa Wareysanaa Xaaladiisa ama War ayuu kaaga sheegaa.
6- Waxey mar walba Kontoroolaan Dadka kale, iyagoo jecel iney Ceebaha Dadka kale Banaanka soo dhigaan, tusaale ahaan haddii ay kaa Hor yimaadaan waxey isku dayaan in waxa ka Qaldan Lebiskaaga ama korkaada ay kuu sheegaan ama ay ku tusiyaan.
7- Ma Dhageystaan Dadka kale, mana u Maleeyaan in Ra'yigoooda iyo Taladooda mid ka Fiican inuu jiro, marka aad isla Hadleysaan ama Doodeysaana Jaanis aad ku hadashid kuma siiyaan oo wey soo dhex galayaan Hadalkaaga, sababtoo ah waxey u Maleeyaan inaad Adiga ka badin doontid.
8- Marka ay Maqlaan Wanaaga iyo Farxadda dadka kale wey ka Naxaan, weliba Adiga oo ka Dareemeysid Wejigooda.
9- Dantooda keliya ayey Eegtaan, waxeyna kuu Muujiyaan Saaxiibtinimo aan jirin, si aad ugu Qabato Howl eysan iyaga Qaban karin haddii ay kaa waayaana Dagaal qaab daran ayey kugu qaadayaan.
Marka Walaalayaal haddii aad Calaamadahaan leedahay iska Beddel, hadaad ku Aragto Dad kale Ogoow iney yihiin Dad aan Fiicneyn ee Fadlan u Caqli celi (Waani) haddii ay talo kaa Maqlayaan, haddii kalena ka Fogoow Dadka Noocaan oo ah.
Comments
Post a Comment