SIDEE U NOQON KARTAA NIN XAASKIISA QANCIYA?.
Gurigu waa sida Shimbirta oo kale, Seyga iyo Marwaduna waa Labadii Garab ee Shimbirtaasi ku Duuli laheyd. Sida Xaqiiqda ah, wey adag tahay in Shimbirtu Duusho Baalal la’aan ama uu Baal keliya ku Duulo..
Sida badan Ninka Soomaliyeed waxaa ku adag inuu Hadal ku Sheego Dareenka uu qabo. Hadduu ku Barbaaray Nolol adagna (Nolosha Miyiga) kaba sii daran. Ninka Soomaliyeed wuxuu ku muujiyaa Dareenkiisa jaceyl Ficil sida inuu wax u iibiyo Xaaskiisa, Wanaajiyo, ka Warqabo waalidkeeda iwm, balse hadal ahaan kuma sheego. Wuxuuba arkaa iney tahay Jileec aan loo Baahnayn.
Haddaba, Arrintaasi waxey keeni kartaa Khilaaf joogta noqda iyo Is Faham la’aan soo kala dhex gala Lamaanaha is qaba. Fadlan ku Qabooji Xaaskaaga Qalbigeeda hadalo Macaan oo Farxad geliya, kana ilaali inaad ku Dhaliisho Dadka hortooda.
Sii Xaaskaga Qarash aan aheyn Masruufka Guriga, si ay ugu isticmaasho Waxyaabo kale oo Nafsadeeda Farxad geliya. Caawi oo u Naxariiso Xaaskaaga, markastana Garabkeeda joog.
Ogoow Dhaqanka Ninka Caaqilka ah maaha in uu Xaaskiisa Garaaco ama Gacan u qaado. Iska ilaali Xaaskaaga inaad Gacan u qaadidi, wax walba oo Khaldamana wada hadal ku dhameysta.
Comments
Post a Comment