Wax ka ogow marwalba dadka kugu xeeran

Nin Macalin ka ahaa Iskuul ama Dugsi ay wax ku bartaan caruur yar yar ayaa isagoo fasal ama galaas uu wax ka dhigayey ku sugan ayaa waxuu canaan iyo af lagaado isugu daray wiil yar oo fasalka ku jirey, dabeedna Wuxuu u geeyay maamulaha dugsiga isagoo ku yiri “Maamule bal wiilkan yar dharka uskaga ama wasaqda ah ee uu xiran yahay eeg ama fiiri iyadoo layliskii ama casharkii aan u dirayna aanu ka soo shaqayn waa arday xun oo waxbarasho aan diyaar u ahayn”, ka dibna Macalinku wuxuu ku noqday fasalkii ama galaaskii.

Maamulahii ayaa weydiiyay ardayga yar sababta uu uga soo shaqayn waayay layliskii ama casharkii waxaana ardaygu ku jawaabay “Maamule Kamaan soo shaqayn waayin, waxaan uga imi buugii walaalkay oo gelinka dambe dhigta dugsiga, buugaasi oo keliya ayaanu wada leenahay oo layliska aan u isticmaalnaa.

Ninkii Maamulaha ayaa si naxariis leh oo Aabonimo ah u eegay waxaana uu ku yiri :” wiilkaygiiyow maxaad usoo xiratay dharkan wasaqda ah ee kaa waaweyn”? waxaana uu ku jawaabay wiilkii yaraa “Anigu ma lihi dharkan walaalkayga iga weyn ayaa leh isaga ayaana galabtii ku taga iskuulka ama dugsiga”.

Dulucda waxa ay tahay sida ardaygaasi yar oo kale waxaa jira kuwo badan oo la mid ah oo dhiganaya dugsiyada ama iskuulada. goobaha waxbarashadu maaha keliya xarumo wax lagu barto ama loo soo shaqo tago ee waa goob lagala socdo dareenka bulshada, markaa maamulayaasha iyo macalimiinta waa inay dhinaca insaaniyaddana aad ula socdaan. 

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Comments

Popular posts from this blog

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla