Posts

Khabiir Dhanka Arrimaha Qoyska Ah oo Ka Warrameysa Sababaha Ay Dumar Badani Ku Xushaan Ragga Bidaarta Leh

Dookha iyo tilmaamaha quruxda dadku wey ku kala duwan yihiin, ninka bidaarta leh mararka qaar waxa uu yeeshaa soojiidasho goonni ah oo ragga kale ay kaga duwan yihiin, gabadho badan ayaa ka hela ragga “Bidaarta leh” oo ku soo jiita kalsoonida ay naftooda ku qabaan iyo soo jiidashadooda gaarka ah. khabiirka dhanka xiriirka ee la yiraahdo Amal Fahmi ayaa sharraxaad ka bixineysa sirta soojiidashada ragga bidaarta leh, iyo sababaha ay gabadho badani uga helaan oo ay ku soo koobtay 5 qodob. 1-Kalsoonida naftooda ay ku qabaan Ninka bidaarta leh aad ayuu iskugu kalsoon yahay, uma aabbo yeelo ra’yiga ay dadka kale ka qabaan muuqaalkiisa, maadama uu waayay wixii ugu qaalisaa ee timaha, hadana uu weli naftiisa ku kalsoon yahay, sidaa darteed; ha isku dayay inaad daciifiso kalsoonida maadama aaney marnaba suurtaggal kuu ahayn. 2- Soo jiidasho goonni ah ayey leeyahay Ninka bidaarta leh soo jiidasho goonni ah ayuu leeyahay marka loo barbardhigo ragga kale, waxa uu dareensan yahay inuu r...

HA XUMEYNIN XAASKAAGA

Dumarka waxey yiraahdeen:- "Abaalkii Hooyanimo mala iloobay, Barbaariye Ubadka iyo Macalin Abaabshaan ahaa, Astaantii Qaranka iyo Aayaha Guushaan ahaa, Ha yeeshee Inan Ragoow Ergiyo waxaan ahay Dacwo, Eed baan kaa Tabanayaa”. Waa Xaqiiq Dumarka waxaa laga abuuray Feerta Ninka, lagama abuurin Madaxiisa si ay uga Sareyso, lagamana abuurin Cagtiisa si uu Gus Hooseeyo, Waxaa laga sameeyay dhinaciisa si ay ugu Dhowaato, Gacantiisa hoosteeda si uu u Xafido, Wadniha agtiisa si uu u jeclaado. Haddaba, Inan Ragoow Goortii ay ku tiraahdo aan wada hadalno, wax badan baan kaa tabanayaa, Ha u qaadan Xumaan, oo Xaq bey u leedahay iney ku Garansiiso Qaladaadkaaga, ee Fadlan si Deggen wax isu Fahamsiiya, balse Adigu noqon mid Faafiya Ceebaheeda, taasi waa Dhaqan xumo, mana aha Islaanimo. Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kula doodo, oo Waxey rabtaa in Xaaladu idiin Hagaagsanaato Labadiinaba. Jeclow Xaaskaaga Goortii ay kuu kabato Shaahaaga. Waxay rabtaa keliya inay Hubiso inuu si fiican kuugu D...

5 Sheeko oo Tusaale u Ah Jacaylka Dhabta Ah… Qays iyo Layla, Cantar iyo cabla

Sida aan ku aragnay aflaamta daraamaha ah ee ajanibiga ah, fikradda jacaylka dhabta ah waxey u muujiyaan in reer galbeedka un laga yaqaanno oo bariga kale dadka ku dhaqan aaney garaneyn macnaha kala duwan ee jacaylka waxa uu yahay, sida dhabta ah jacaylka  taariikhda carabta iyo dad yowga kale ee dunidaba waxa uu ku leeyahay raad muuqda oo dadka dunida oo dhan ay ka wada siman yihiin iyo sheekooyin u gaar ah. Carabtii hore marka ay wax caashaqaan dareenkooda waxey ku muujin jireen gabayga, arrintay waxey kala mid yihiin dhaqanka Soomaalida oo aan arrintaa ka yara fogeyn, maadama abwaanka Soomaaliyeed marka uu caashaq ku dhaco ama uu arko qof la dhibaatoonaya uu dareenkiisa ku cabiro macnaha jacaylka dhabta ah ee aad ka dhadhansan karto miraha suugaanta uu xilligaa tiriyo. Hadab, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa 5 sheeko ee ugu caansan ee carabtu ay dhaqan ahaan u leeyihiin oo markii la soo hadal qaado laga dheehan karo dareenka jacaylka dhabta ah: 1- Cantara iyo Cabla S...

SIDEE LAGU GARTAA GABADHA WAX JECEL?.

Gabdhuhu wey kala duwan yihiin Dabeecad ahaan, taasina waxey keeni kartaa iney ku kala gedisnaadaan Calaamadaha ay muujiyaan marka ay Wax jeclaadaan, balse Ogoow iney jiraan Calaamado ay ka siman yihiin Gabdhaha wax jecel, Calaamadahaasi kuwooda ugu Caansan waxaa ka mid ah:- 1- XISHOODKA:- Waa Calaamadda ugu horeysa waxa ay la soo baxaysaa Xishood Xad-dhaaf ah iyo cabsi oo mararka qaarkood ku Kalifa iney ku Sheegan kari waydo jacaylka ay kuu qabto ama ay kugu eegi kari waydo indhaheeda 2- NAXDIN:- Waxaa Gabadha ku badanaaya Naxdinta dhinaca Wadnaha la Xiriira oo markasta oo ay la Kulanto Qofka ay jeclayd, waxaa aad u kordha Garaaca Wadnaha, taasi oo ay Wehliyaan isku Dhexyaacid iyo Aamusnaan. 3- HADAAQ:- Waxaa Gabadha ku bata in ay markasta ku Halmaanto Magaca Qofka ay jeceshahay iyada oo qof kale u yeereysa ayey ku Hadaaqeysaa Magaca Qofka ay aadka u jeceshahay, isla mudo yar kadib wey ka noqonaysaa iyada oo iska dhigaysa iney Khaldantay. 4- MASEER:- Waxa ay la s...

XAAJIGA IXTIRAAM OO WEYNEE AMARKIISA.

Walaasheyda Muslimadda ahey ku Dadaal inaad Ninkaaga kula hadasho Kalmadaha Wanaagsan, ee aad is leedahay Qalbiga wey Bogsiin karaan, iyadoo aan ka maqneyn Ducada.  Bal dib u Milicso Dardaarankii ay Umaama Bintu Xaarith siisay Gabadheeda markii la Guursaday, waxey u soo jeedisay Dardaaran Muhiim ah, waxeyna Hadalkeeda ku bilawday:- Gabaryahay Dardaaranka lagagama Maarmayo Edeb aad Dadka dheer tahay ama aad ka Nasab fiican tahay awgeed, waan kaa dhaafi lahaa, laakin waa Xasuusin Qofka Moog, Qofka Caqliga lehna waxey u tahay Caawin iyo gargaar, Gabadheydiyeey Haddii Naagi ka maarmi karto Nin, Aniga ayaa Aabahaa ka maarmi lahaa, lakiinse Rag iyo Dumar waa leysku abuuray. Gabadheydiyeey maanta waad ka baxday Seerihii aad ku jirtay ee aad ka soo dhex baxday, waxaadna u tagtay Wiil aanad horey u Aqoon, iyo Saaxiib aanad horey u Aqoon, Maamulkiisana waad Hoos tagtay u noqo Addoon, isaguna Adoon buu kuu noqone, waxaad ku Dadaashaa in aad u Xifdido Qodobadan:- 1- Qanaaco hakaa he...

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

Image
Waxaa jirtay mid ka mid ah Magaalooyinka Carbeed Gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen Dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka Wanaagsan ka heysan Halista Qaawinta Cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray Xaflad kastoo lagu sameeyo Munkar uusan ilaahay Raalli ka aheyn. Waxay gabadhu aad ugu Caan baxday Labiska aadka u muujiya jirka Dumarka, waxay sidoo kale aad ugu Dheg dhegi jirtay Ragga Xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku Camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay Heesto iyadoo Muusikada si Xad dhaaf ah ula jaan qaadi jirtay. Maalin ayaa waxaa looga yeeray Xaflad Aroos oo aad u Camiran, waxay aheyd Goob Mashxarad iyo Tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxeyna u soo Lebisatay sidii looga bartay iyadoo mar qura badashay Jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen “Waxaa soo gashay Hebla”. Waxaa la tumay muusigii, waxaa la Dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay, balse aan Xad Diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sa...

SIDEE U NOQON KARTAA NIN XAASKIISA QANCIYA?.

Gurigu waa sida Shimbirta oo kale, Seyga iyo Marwaduna waa Labadii Garab ee Shimbirtaasi ku Duuli laheyd. Sida Xaqiiqda ah, wey adag tahay in Shimbirtu Duusho Baalal la’aan ama uu Baal keliya ku Duulo.. Sida badan Ninka Soomaliyeed waxaa ku adag inuu Hadal ku Sheego Dareenka uu qabo. Hadduu ku Barbaaray Nolol adagna (Nolosha Miyiga) kaba sii daran. Ninka Soomaliyeed wuxuu ku muujiyaa Dareenkiisa jaceyl Ficil sida inuu wax u iibiyo Xaaskiisa, Wanaajiyo, ka Warqabo waalidkeeda iwm, balse hadal ahaan kuma sheego. Wuxuuba arkaa iney tahay Jileec aan loo Baahnayn. Haddaba, Arrintaasi waxey keeni kartaa Khilaaf joogta noqda iyo Is Faham la’aan soo kala dhex gala Lamaanaha is qaba. Fadlan ku Qabooji Xaaskaaga Qalbigeeda hadalo Macaan oo Farxad geliya, kana ilaali inaad ku Dhaliisho Dadka hortooda. Sii Xaaskaga Qarash aan aheyn Masruufka Guriga, si ay ugu isticmaasho Waxyaabo kale oo Nafsadeeda Farxad geliya. Caawi oo u Naxariiso Xaaskaaga, markastana Garabkeeda joog. Ogoow Dhaqan...