QISO YAR OO CAJIIB AH. (Gabadhii Dharkeeda Diiday).

Waxaa jirtay mid ka mid ah Magaalooyinka Carbeed Gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen Dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka Wanaagsan ka heysan Halista Qaawinta Cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray Xaflad kastoo lagu sameeyo Munkar uusan ilaahay Raalli ka aheyn. Waxay gabadhu aad ugu Caan baxday Labiska aadka u muujiya jirka Dumarka, waxay sidoo kale aad ugu Dheg dhegi jirtay Ragga Xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku Camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay Heesto iyadoo Muusikada si Xad dhaaf ah ula jaan qaadi jirtay. Maalin ayaa waxaa looga yeeray Xaflad Aroos oo aad u Camiran, waxay aheyd Goob Mashxarad iyo Tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxeyna u soo Lebisatay sidii looga bartay iyadoo mar qura badashay Jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen “Waxaa soo gashay Hebla”. Waxaa la tumay muusigii, waxaa la Dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay, balse aan Xad Diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sa...